Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lala eegtay gaari marayey duleedka Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu haleelay gaari isticmaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qofka ka mida dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuuca Kaaribta ah balse aan la xaqiijin in qaraxu uu ku diyaarsanaa wadada iyo in gaariga uu ku dhaganaa.

Inta la ogyahay ilaa hadda 4 qof ayaa ku dhimatay qaraxaas oo la sheegay inay gaariga saarnaayeen.

Ma jirto ilaa hadda xog laga helay cidda ay ahaayeen dadka qaraxa ku dhintay ee saarnaa gaariga.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this