Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha xisbiyada oo war xasaasi ah ka soo saartay doorashadii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashadii shalay ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warsaxaafadeedka oo ku qornaa luqadda Engilish-ka ayaa lagu sheegay in doorashadii uu ku soo baxay Qoor-Qoor aysan aheyn mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana aysan u dhicin sidii la rabay ama loo qorsheeyey in Galmudug loogu dhiso maamul mid ah.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu dhaliilay taalabadadii safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ee uu ku aqoonsaday doorashadaasi, iyado aan weli xal loo helin is jiid jiidka siyaasadeed iyo khilaafaadka dhinaca maamulka ee haatan ka jira Galmudug.

Madasha xisiyada qaran oo ay ku mideysan yihiin illaa lix xisbi siyaasadeed ayaa sidoo kale ka dalbatay dhinacyada isku haya Galmudug inay yeeshaan wadahadal dhab ah, si loogu xaliyo xiisadaha taagan, islamarkaana looga wada shaqeeyo dana guud ee reer Galmudug.

Halkaan hoose ka aqriso:

Madasha-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this