Sign in to follow this  
Deeq A.

GUDD.Cabdiqani “Madaxweyne Deni Wuxuu Diyaar U Yahay Horomarinta Garoomada Kubbadda Cagta Puntland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Bishii May 2019 guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi la socday ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal wuxuuna socdaalkooda ahaa kormeerida iyo dib u dayactirka ka socda garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland.

59934466_2730865163606914_31904473669896

“Safarkeenii Puntland wuxuu ahaa mid aan qiimeyn ku samaynay garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland waxaana la kulanay guddiyada u qaabilsan horomarinta,waxaana ku dhiiri-gelinay howlaha ay hayaan wuxuuna Xiriirka ku taageeray mashruuca dhismaha garoomada Puntland lacaga dhan 20,000 $” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha X.K.Cagta Cabdiqani Saciid.

60244688_2730858310274266_74764658409304

Tan iyo markii dib loo doortay guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya 15-November 2018 waxaa soo baxay ifaalo wanaagsan ee dhinaca horomarinta gobolada,wuxuuna Xiriirka maamul Goboleed kasta uu u sameeyay urur u gaar ah kana shaqeeya danaha iyo horomarinta maamulkiisa waxaana dhallinyarada iyo bahda isboortiga Maamul Goboleedyada ay u arkaan mid horomar u ah deegaanadooda.

60341426_2212897275707559_65390763694463

Sanadkii lasoo dhaafay 2019 waxaa xafiisyo ay ku shaqeeyaan loo furay ururada Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada ee kala ah Galmudug,Hirshabeele,Koonfur Gabled iyo Jubaland,halka Puntland ay iyagan horay u la haayeen waxaana Xiriirka arintan uu arkaa mid aad u wanaagsan sida sahlan ay u wada shaqeeyaan madaxda X.K.Cagta iyo Ururada Maamul Goboleedyada.

070A9182-1024x683.jpg

Halkan Ka Daawo Warysi Uu Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab siiyay Goobjoog Sports

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this