Deeq A. Posted February 3, 2020 War saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn Mareykanka sheegtay in uu ka fuliyay qeybo ka mi ah gobolka Jubbada Dhexe. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday degmada Jilib lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi ay fuliyeen, iyagoo garab ka helaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. AFRICOM ayaa xaqiijisay in duqeyntaan cusub lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites