Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Ku Tartamaya Doorashada Maanta Ee Galmudug, Yaase Diidan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorasho hal dhinac ah ayaa maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb kadib markii ay qaadhaceen murashaxiinta mucaaradka.

Doorashadan waxaa ku tartami-doona: Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor), Dr. Abdirahman Sabriye,  Axmed Shire Falagle iyo Cabdullaahi Axmed Samatar.

  • Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor)  oo ah ninka loo saadaalinayo, waxaa uu sheegay haddii la doorto inuu xoogga saari-doono: dib u heshiisiin, amniga, adeegga bulshada, Cadalaad, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale, arrimaha deegaanka
  • Waxaa uu ahaa ganacsade, Maareeya ku xigeenkii Dekadda Muqdisho| 2009-2017), Sidoo kalena, swaxaa uu noqday wasiiru dowlihii wasaarradda Howlaha Guud iyo Guryeenta Xukuumadda hada ka arrimisa Dalka.
  • Dr. Abdirahman .A Sabriye: Waxaa la sheegayaa inuu bartay dhaqaalaha, kana shaqeeyey dhaqaalaha dalalka soo koraya, gaar ahaa ganacsiga iyo warshaddeenta, waxaa uu ka shaqeyay Wasaaradda Ganacsiga
  • Axmed Shire Falagle: waxaa muddo ku dhexjiray deegaannada Galmudug, haddana ah wasiirka Biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedka Galmudug.
  • Cabdullaahi Axmed Samatar:  ganacsade hore, guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Galgaduud.

Doorashada waxaa qaadhacay  saddex koox:

(1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer,

(2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan

(3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale.

Goobjoog news

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this