Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajow waad ogtahay inaadan soo laaban doonin annagana waan ognahay’e naga daa haraati dambeedka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Ibraahim Daqarre oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo ayaa sheegay in laga hor istaagay inay booqdaan deegaanadii laga soo doortay ee gobolkaas.

Xildhibaankan ayaa xaaladda qalafsan ee ka taagan gobolka Gedo ku eedeeyey in ay ka bilaabato kuna dhamaato madaxweyne Farmaajo, waxuuna u soo jeediyey talooyin iyo dhaliilo dhowr ah.

Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in diyaaradihii loo diiday inay u raacaan gobolka Gedo ay dowladdu ku qaaday ciidamo lagu daabulay gobolkaas oo uu sheegay in ay fidno ka abuureen.

Sidoo kale Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in ciidamadii la geeyay gobolkaas ay u kala baxeen kuwo Shabaab raacay iyo kuwo gobolka ka hurinaaya dagaal qabiil.

“Sagaal duulimaad oo ciidamo wada ayaa la geeyey Luuq, ciidamadii dalka loo tababarayu in dib loo celiyo oo deegaanka Daawo lagu qabsado waa nasiib darro, degmooyinka gobolka Gedo waxaa la xoreeyey 2011-kii, iyadoo Farmaajo shacab yahay oo uu iska joogo Mareykanka, maantana isgoo Madaxweyne ah ayuu dagaal ka hurinayaa oo Shabaab u loogayaa deegaankiisa.

Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in dowladan ay ka filayeen xoreynta Bu’aale iyo deeganada kale oo Shabaab heysto, balse hadda ay ka mareyso Jubbaland Gedo halaga jaro.

“Madaxweyne waxa gobolka Gedo aad ka wado kor uga bax arin fiican maaha sideeda bilood ee kuu hartay si  nabad ah ku dhameyso hadaa sharaf rabto” ayuu yiri xildhibaan Axmed Ibraahim Daqarre.

Ugu dambeyntii xildhibaankan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo haduu diyaar u yahay ay soo hor fariisinayaan Axmed Madoobe, balse aan la qaadan karin hagar daamo uu sheegay in uu ku hayo gobolkaas.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay dowladaadu Maka Al-mukarama ayey ka tali la’dahay, waxa aad Gedo ka wadana waa gacan togaaleysi ee ka har, sideedaada bilood dhameyso ee ka wareeg umaddan kolba soo laaban meyside, in aadan soo laabeyn adiguna waad ogtahay anaguna waan ognahaye dadka haraati dambeedka kadaa” ayuu yiri Xildhibaan Daqarre oo ka tirsan golaha shacabka.

Halkan ka Daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this