Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Gacal oo ka hadlay doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay doorashada maamulkaasi.

Gacal ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay soo xaadiraan kulanka beri oo lagu dooran doono madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dhamaaday waqtigii ololaha, islamarkaana wejigii ugu dambeeyey ee doorashada Axada beri ah la soo gabagabeyn doono.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo wadooyinka waa weyn ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Doorashadaan ayaa waxaa hareeyey is jiid jiid siyaasadeed iyo khilaaf xoogan, waxaana jira musharraxiin dhowr ah oo qaadacay ka qeyb galka tartanka doorashadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this