Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
3-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Burkina Faso ayaa intuu halkaasi joogay waxa uu kaga  qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay martigelisay Dowladda Burkina Faso.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ayaa sidoo kale  inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaan.

Wefdiga Guddoomiyaha oo shalay ka soo ambabaxay Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee dalka Burkina Faso ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana garoonka Aaden Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

1-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-2.jpg?w=1000&ssl=1 3-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this