Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Guddoomiye ku xigeenka Kaxda Oo Dhaawacmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeynley ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula eegatay guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada kaxda ee gobalka Banaadir kaas oo lagu magacaabo Cabdinaasir Xasan Cali.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Kaxda.

Dhinaca kale qaraxa ayaa la warinayaa in ay ku geeriyoodeen askar ilaalo u ahayd guddomiyaha halka seddex qof oo shacaba ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha ayaa durbadiiba loola cararay mid ka mida cisbitaalada ku yaalada magaalada Muqdisho si xaaladdiisa caafimaad loola tacaalo.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta iyaga oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Wixii ku soo kordha warkan halkaan kala soco

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this