Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ka doodaya Sharciga Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa ay kulan ku yeelan doonan Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare  ayaa waxaa uu yahay sii wadida ka doodista Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaran ee heer Federaalka, kaasi oo ay horey dood adeg uga yeesheen.

Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa, waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulan Maanta.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hore u ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaana haatan uu horyaalla Golaha Aqalka Sare oo laga doonayo inay meel-mariyaan.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ka doodaya Sharciga Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this