Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga bixiyey socdaalka Cabdirashiid JANAN ee Nairobi iyo xanuunka haya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Saacado ka dib markii uu Magaalada Kismaayo gaaray, Wasiirkii Amniga Jubbaland ayuu safar ugu amba baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, halkaasoo uu gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa sida la xaqiijiyay waxaa uu dooni ku tagey Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka raacay Magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyay tan iyo markii uu Talaadadii ka baxsaday xabsiga.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka xog waramay socdaalka uu xilligan Wasiirkii Amniga Jubbaland ku jooggo Magaalada Nairobi, isagoo ka dhawaajiyay in arrimo caafimaad uu u tagey.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiintii Magaalada Kismaayo kula kulmay markii uu Wasiirku yimid ayaa xusay in Wasiirku uu ku dhacay xanuunka muddooyinkii ugu dambeysay dalka ka jiray ee Kaduudiyaha loo yaqaano.

“Wuxuu noo sheegay intii uu xabsiga ku jiray inuu ku xanuunsaday, isla-markaana uu ku dhawacay Kaduudiye cudur la yiraahdo, uu xagaha lugaha kaga dhacay, laakiin sidiisa kale caafimaadkiisu wuu fiicnaa, laakiin waxaa ka muuqday dhafar/soo jeed badan. Markuu Kismaayo soo gaarayna waxaanu gaynay Garoonka Kismaayo, qaybta xarunta caafimaadka ee Amisom, xoogaa dawooyinaa ka siinay, isla-markiina waxaan qalqaalinay sidii deg deg Nairobi loogu gayn lahaa, si uu halkaasi ugu soo nasto, xaaladiisa caafimaadna loogu baaro. Marka hadda wuxuu ku sugan yahay Nairobi.” Ayuu yiri Xildhibaan Shire Coley.

Xildhibaan Coley oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa soo hadalqaaday in dadka reer Kismaayo iyo Madaxda Jubbaland-ba ay si weyn ugu farxeen markii ay arkayn in Wasiir Janan uu nool yahay.

Wasiir Janan ayaan weli wax war ah siinin Saxaafadda, balse Madaxtooyada Jubbaland waxay ballanqaaday in uu la hadli doono Warbaahinta, waqti aan la shaacin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this