Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoon diyaaradeed oo laga hirgelinayo Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiiro iyo xlidhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele iyo rugta ganacsata Soomaaliyeed ayaa dhowr goobood oo kamid ah gobolka Shabeelaha dhaxe kormeer ku sameeyay si ay sahmin ugu sameeyaan halka ku haboon in laga hirgaliyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Mas’uuliyiintan waxaa kormeer kooda ku wehlinaayo qubara ku xeel dheer sahminta garoomadaha diyaaradeed waxeyna madaxda quburada Sahminta sameynayay ay isku raaceen in goob kamid ah degmada Warsheekh ay tahay halka ku haboon in laga hirgaliyo garoonka cusub ee diyaaradaha.

Qaar kamid ah odayaasha iyo culumada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhulkooda ugu yaboohay qaranka iyo in looga shaqeeyo danaha umada Soomaaliyeed.

Xildhiban Cabdiqaadir Carabow oo kamid xildhibaanada golaha shacabka ee BFS ayaa ka hadlay muhiimada ay dadka deegaanka u lee dahay hirgalinta garoonka cusub ee diyaaradaha.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan fulinta masharuucan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kamid ahaa madaxdii goobta ka hadlay.

Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) waxa uu faah faahiyay qorshaha ay dowlada ku fulineyso Mashruuca garoon diyaaradeed oo casri ah.

Wasiirka wasaarada maaliyada XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii midnimada iyo horumarka.

Image may contain: one or more people and people standing

Image may contain: one or more people, people standing, beach and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, outdoor and natureImage may contain: one or more people and sunglassesImage may contain: one or more people, people standing and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this