Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo heegan gelisay Shaqaale caafimaad oo ka hortaga Corona Virus

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Khamiis ah kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalidda Caabuqa dilaaga ah ee Corona Virus ee ka dillaacay dalka Shiinaha, kuna sii fidiya dalalka kale ee Caalamka.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo mareeyaha hay’adda Duulista iyo madaarrada, ayaa kormeeray dhallinyaro ku takhasustay caafimaadka oo garoonka heegan ugu jira sidii ay caabuqa CORONAVIRUS uga hubin lahaayeen qof kasta oo kasoo dega garoonkaasi.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa  ka hadlay muhiimadda shaqaalaha caafimaadka ee carbisan ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ay  heeganka gelisay iyo sidii wada-shaqayn iyo dhiirrigelin dhow loogu samayn lahaa.

 “Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan.” Ayuu yiri madaxweyne Biixi.

 “Waxa la rabaa madaarkaas rakaabka kasoo degaya inantaa Neeraska ahi marka ay farta taagto wixii ay doonayso in loo fuliyo, taliyaha socdaalka, Booliska iyo ciidamada waxa laga rabaa inay gurmadkan aad u galaan oo rakaabka soo degaya kaantaroolkooda iyo qof walba in la hubiyo wixii tilmaamo ahna amarka dhakhaatiirta la fuliyo, waayo waxa la yidhi la isma taaban karo, la isma salaami karo, la isumana dhawaan karo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo heegan gelisay Shaqaale caafimaad oo ka hortaga Corona Virus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this