Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo dadweynaha kala hadlaya Hirgelinta Hannaanka Xisbiyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 30ka Janaayo 2020 wuxuu ka bilaabay degmada Buurtinle safar shaqo uu ku marayo gobolada Puntland si dadweynaha loo gaarsiiyo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, iyo latashiyo ku aaddan arrimahaas.

Ugu horrayn waxaa Guddigu xarunta degmada kula shiray maamulka,golaha degaanka iyo qaybaha bulshada sida nabadoonada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo ýqaybaha kale ee bulahada rayidka.

Guddigu wuxuu si faahfaahsan ugu sharaxay bulshada reer Buurtinle qorshaha iyo jadwalka doorashada sidoo kalana wuxuu ka jawaabay su’aalo ay bulshadu waydiiyeen.

Ugu dammayn waxaan u mahadcelaynaa maamulka iyo bulshada Buurtinle soodhoweyntii ay usameeyeen Guddiga.

2-26.jpg?w=1000&ssl=1 3-23.jpg?w=1000&ssl=1 4-22.jpg?w=1000&ssl=1 5-16.jpg?w=1000&ssl=1 6-16.jpg?w=1000&ssl=1 7-13.jpg?w=1000&ssl=1 8-7.jpg?w=1000&ssl=1 9-6.jpg?w=1000&ssl=1 10-5.jpg?w=1000&ssl=1 11-4.jpg?w=1000&ssl=1 12-4.jpg?w=1000&ssl=1 13-2.jpg?w=1000&ssl=1 14-2.jpg?w=1000&ssl=1 15-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo dadweynaha kala hadlaya Hirgelinta Hannaanka Xisbiyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this