Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerka Dugsiyada Qur’aanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Khamiista Maanta ah shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay Arrimaha Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Boosaaso.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in Shirka lagu ansixiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Istaraatijiyada Wacyigelinta iyo Xeerka Dugsiyada Qur’aanka.

4-21.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-22.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-25.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-37.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerka Dugsiyada Qur’aanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this