Sign in to follow this  
Nur

Murti Iyo Maaweeelo.

Recommended Posts

Nur   

e-Nuri Somali Language Service

 

From The Archives:

 

 

Murti Iyo Maaweelo

 

 

1)

 

Waxaa Zuhdiga ( nolosha adduunka oo hammigeeda la yareysto) laga wareystay Al Xasan Al Basri, wuxuu ku jawaabay:

 

Waxaan ogaaday in qofkale uusan risqigeyga qaadaneyn, markaasaa qalbigeyga dagay

Waxaan ogaaday in howsheydu ayan qofkale sugeyn, markaasaan keligey qabtay

 

Waxaan ogaaadey in Allah uu i eegayo ( ii jeedo), markaasaan ka xishooday inuu inuu i igu arko macsiyo

 

Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, markaasaan u diyaariyey sahay aan kula kulmo Rabbigeyga.

 

 

2)

 

Degdegtu waa camalka sheidaanka, marka laga saaro:

 

1. Inanta oo loo guuriyo

2. Martisoorka martida

3. Deyn la biixiyo

4. Danbi laga towbo keeno

5. Meytka oo la duugo ( aaso)

 

 

3)

 

 

Saaxibnimada

 

Nin Murti badan ayaa wuxuu yidhi:

Haddad qof la saaxiibto, ka yeelo akhayaarta asxaab, maxaa yeelay fujjaarta wa dhgax ayan biyo ka soo burqan, geed aan cagaar leheyn, dhul aan dhir ka soo bixin. Shan ha ka yeelan saaxib:

 

Faasiq, maxaa yeelay cunno wexey ugu yartahay buu kugu iibsan

 

Bakhaylka, adoo gargaar maal u baahan buu kaaga baxaya

 

Beenlow, waa sida dhalanteedka, wuxuu ku soo dhoweeyaa wax fog, wuxuuna ka fogeeya waxa dhow

 

Nacaska ( Dabbaalka), wuxuu dhibaato kuu keena asagoo raba inuu ku anfaco,

Rixin Jaraha, maxaa yeelay allah ayaa nacladay.

 

 

4)

 

Nin Xakiim ah ayaa waxaa la warsday:

Imisa jir baad tahay?

 

Wuxuu yidhi: Caafimaadkeygu waa wanaagsan yahay, Alxamdulillah

Waxaa la warsaday:

Lacag imisa ayaad meel dhigatay?

Wuxuu yidhi: Deyn la iguma laha, Alxamdulillah

Waxaa la warsday:

Imisa cadow ayaad leedahay:

Wauxuu yidhi: Qalbigeygu waa nadiif, carrabkeyguna waa dabran yahay.

 

 

5)

 

 

Nin baa Allah baryay:

Rabbiyow, waxaad ii hibeysay waxaa qalbigeyga la qurxan, rajadaada,

Carrabkeygana wuxuu ku hadlo waxaa ugu macaan, xuskaaga

Maalmahana waxaan ugu jeclahay, maalinka aan kula kulmi doono.

 

6)

 

 

Nin Salafka ka mid ah ayaa wuxuu yidhi:

 

Qofkii ku shuqultooma howsha aakhirada, Allah ayaa kaaa kaafiya adduunyadiisa

 

Qofka hagaajiya xidhiidhka uu Allah la leeyahayna, Allah ayaa hagaajiya xdhiidhka uu dadka la leeyahay.,

 

Qofkii sirtiisa ay wanaagsanaato, Allah ayaa wanaajiya wixii ka dhaca oo erey ama camal ah oo muuqda.

 

 

7)

 

 

Inan yar baa u dhimatay daacuun, markaasaa aabbaheed ku arkay riyo, wuxuu ku yidhi, aabbe, iiga sheekee aakhirada? wexey tiri, aabbe waxaannu u nimid arrin weyn, oon ogeyn, haseyeeshee aannan u shaqesyan jirin, Wallaahi , hal tasbiixsasho oo qudhah, ama hal rakcad, oo ku taalla warqaddaada ayaan ka jeclahay adduunka iyo wax ku jira oo dhan.

 

 

8 )

 

 

Naag baa la dardaarantay wiilkeeda :

Maandjow, waxaan kuu dardaarmay inaad u noqoto walaashaa aabbe, ayadana waxaan kala dardaarmay iney kuu noqoto hooyo, ogowna iney kuu tahay marti, yaaney qaloon, ogowna dharka raganimadu inuu dab yahay, hadaba walaasha ha cidhiidhin, ogowna korgaagu si walba hadduu u weynaado, inuu ku dambeyn doono cunnada tixriga, hadaba ha ka hagran korkaaga inaad u kaalmeyso walaashaa, ogowna xidi walboo korkaaga ku jira oon ku dhiig bixin jihaadka allah dartiis, inuu uu dhiig bixi doono maalinka qiyaame yaxyah dartiis iyo cabsida Allah, markaasey naftii ka baxday,.

 

 

9)

 

 

Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?"

 

Wuxuu yidhi Murtilihii:

 

1. Wax sii, waxna ha ka qaadan

2. Garta ayaga sii, hana la garramin

3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin.

 

 

Compiled and Translated by(ET) e-Nuri Transemantics

 

 

Nur

 

 

2003 e-Nuri Somali Language Service

-------------------------------------------------

Kuwa iga da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga da' yar waa iga dambi yar yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As Salaam Aleikum Akhi,

 

Saddexley

 

Saddex dadkaa kugu naca. Baryo badan bukta badan iyo baahi badan.

 

Nimco

 

Haddii aad nimco doonaysid Nimcada Islaamka ayaa kugu filan, haddii aad mashquul rabtidna Alle caabudidiisa ayaa kugu filan, haddii aad cibro qaadasho doonaysidna dhimashadaa ayaa kugu filan.

 

Aragti Dheer

 

Ruuxa caaqil ka ah maalkiisa ayuu u huraa caafimaadkiisa, Axmaquna caafimaadkiisa ayuu maal ku baabi'iyaa.Hodontinnimadu waa qanaacada … ee ma aha maal badnaanta. Iimaan Allaa uur buuxsha. Faqiirka calooshiisa waxay u baahan tahay cunto, taajirka cuntadiisuna calool ayey u baahan tahay.

 

Xusuus

 

Xikmad ayaa waxay ahayd. Bani aadamku waa miskiin,bal haddii uu naarta uga baqi lahaa sida uu faqriga uga baqo labadoodaba waa ka badbaadi lahaa. Haddii uu Jannada u raadin lahaa sida uu hodontinimada u raadiyo labadaba wuu ku guulaysan lahaa. Haddii uu Alle uga cabsan lahaa hoos ahaan sida uu khalqigiisa uga cabsado labada daaroodba wuu liibaani lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this