Jacaylbaro Posted January 3, 2008 Ha ku qayilin maqaaxiyaha, naftaadana ha usoo jiidin cudur iyo xanuun,maqaaxiyuhu waa meelo ka mid ah goobaha dadku iskugu yimaado had iyo jeer. Waxana inta badan loo fadhiistaa qayilaad, dadka ku qayilaya maqaaxiyuhu waa kuwo inta badan garabka isku wada haya aadna iskugu dhaw,hawada iyo neefta mid ka soo baxdaa waxay si dhib yar ugu gudbi kartaa ka kale ee ag fadhiya. Hawada maqaaxiyaha sidoo kale ku dhex wareegeysaa waa mid qashin iyo xanuun sida,waxa hawada ku lifaaqan qiiqa sigaarka ee lagu qayilayo hawadaasi oo ah mid soo marta soona xaadha habdhiska neefsiga ee qofka cabaya, hawadaasi ayaanu qof kasta oo maqaaxida fadhiyaa qaadanaya, waxa sidoo kale jirta in maqaaxiyaha qaar lagu dhex cabo badeecado taasi oo qiiqeedu uu noqdo hawada la jiidayo maqaaxida dhexdeeda. Arimahaasi aan kor ku sheegay ee maqaaxiyaha ka dhex dhacayaa haddaba waxay sababaan caafimaad daro iyo xanuun la soo dersa dadka had iyo jeer caadeysta ku qayilaada iyo fadhiisiga maqaaxiyaha,dadka maqaaxiyaha fadhiistaa waxay halis u yihiin in ay qadaan cudurada faafa ee lagu kala qaado hawada, sida qaaxada, sidoo kale qiiqa iyo hawadaasi la kala qaadanaya waxay dadka qaar ku keentaa, sanboor, xiiq iyo qufac joogto ah. Waxana jira dadyow badan oo xanuunada ka qaada maqaaxiyaha ay fadhiistaan balse aan ogeyn. Maxaa yeelay waxa laga yaaba laba garabka isku haya oo maqaaxi ku qayilaya ayaa midkood bukaan yahay, si dhib yar ayaanu cudurkii ugu faafin karaa hawada. Arimaha kale ee maqaaxiyaha qaarkood ay yeeshan wakhtigan waxa ka mid ah, radio weyn oo lagu dhageysanayo heeso,tv aad daawan karto iwm. kuwaasi oo dadka wakhtiga ka lumiya.waxaad arkeysaa maqaaxiyo masaajiida u dhow haddana dadku aaney haleeleyn salaadi. Waxan ku soo gunaanadaya akhriste ha ku qayilin maqaaxiyaha si aad uga bad,baado cudurada faa,fa ee hawada la isku qaadsiiyo ugu horeyn, marka labaadna ,wakhtigaaga qaaliga ah iyo kharashkaaga yar ha isaga bur, burin caleenta jaadka iyo fadhi faa’iido daro ah. Abdifataah mahamed ahmed Quote Share this post Link to post Share on other sites
umu zakaria Posted January 3, 2008 good article. For a minute i thought u were the big brother setting rules. markaasaan is iri yaa maanta u duceeyey qunyar u socodkii duqa ahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 5, 2008 KKKKKKKKKKKKKKKKKK ,,,, i'm just tryin to give advise to those maqaaxiyaha ku qayila Quote Share this post Link to post Share on other sites