Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Deni oo isku shaan-dhayn samaynaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo’ wareedyo sugan, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu todobaadka soo socda isku shaandhayn samaynayo, kadib markii uu ka soo laabto safarkiisa magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Madaxweynaha oo la filayo, in uu todobaadka soo socda dib ugu laabto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa la xaqiijiyay in uu isku shaandhayn ku samaynayo agaasimayaasha guud iyo kuwa waaxyaha qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda Puntland.

Isku shaandhaynta, ayaa la filayaa in ay saamayso wasaarado ay kamid yihiin: Duulista Hawada iyo Garoomada, Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Caafimaadka iyo qaar kale.

Sidoo kale, waxa la filayaa in madaxweynuhu uu magacaabo agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo xubno kale oo ay ku jiraan saraakiil Ciidan.

Xogtu waxay intaasi ku daraysaa, in isku shaandhaynta agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada Wasaaradaha, ay ilaa saddex jeer oo hore baaqatay, sababo aan la shaacin.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxweyne Deni oo isku shaan-dhayn samaynaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this