Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubalad oo dowladda Federaalka ka dalbatay in ay raq iyo ruux meel ku sheegto Wasiir Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay, in ay raq iyo ruux mid kood meel ku sheegaan Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan oo mudda 5 bilood ah u xirnaa dowladda Federaalka, balse sheegtay in uu maalinimadii shalay Xabsiga ka baxsaday.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland ay ka walaacsantahay xaaladda murugsan ee Wasiir Janan, kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in uu xabsiga ka baxsaday, taasi oo shaki gelisay bad-qabka noloshiisa.

Jubaland waxay tilmaantay in tan iyo markii la qabtay Wasiirka aan loo ogolaan ehelkiisa iyo cid kasta oo danaynaysay, islamarkaana loo diiday in ay arkaan Qareennadiisa , si ay u difaacaan, kadib markii dowladda Federaalku sheegtay in uu denbiyo aan la cayimin galay.

Sidoo kale, Jubaland waxay in dhammaan arrimaha kor ku xusan ay ka baxsan yihiin hab-dhaqanka dowladeed iyo kan banii’aadanimo, waxaana ay Beesha  Caalamka ku wargelisay in dowladda Soomaaliya qaadayso mas’uuliyadda wixii ku dhaca Wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Jubalad oo dowladda Federaalka ka dalbatay in ay raq iyo ruux meel ku sheegto Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this