Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Galmudug oo muddo kordhin sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa  markale waqti kordhin cusub u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta.

Waa markii seddaxaad ee guddigan uu waqti kordhin u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa xilal ka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay in muddo 24-saac ah ay ku dareen waqtiga is diiwaan gelinta, isaga oo carabka ku adkeeyey in mudadaan ay noqon doonto tii ugu dambeysay, kadibna ay dhici doonto doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in jadwalka doorashada uu sidiisii yahay, islamarkaana ay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dhici doonto waqtigii loo asteeyey.

Sagaal musharax ayaa illaa hadda maray nidaamka is diiwaan gelinta, afar ka mid ah ayaa u sharaxan madaxweyne, halka shanta kalena ay u taagan yihiin madaxweyne ku xigeen.

Dhinaca kale afarta musharax ee ugu saameynta badan, islamarkaana kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullahi Faarax Weheliye iyo Cabdi Dheere ayaa si cad u sheegay in aysan is diiwaan geli doonin inta ay doorashada Galmudug u afduubantahay dowladda dhexe, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed, kaas oo saameeyey dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo loo dhan yahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this