Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Muudeey: Goorma ayey caasimadda Asmara ka dhawaatay Jowhar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna la-taliyaha sare ee dhanka warbaahinta maamulka Hirshabelle ayaa su’aalo ka keenay safarrada badan ee uu madaxweyne Farmaajo ku tagay waddanka Erateria caasinaddiisa Asmara.

Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa bartiisa facbooka ku daabacay su’aalaha uu kaqabo safarka Asmara uu ku joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaan ayuuna u qornaa :-

Madaxweyne Farmaajow magaalada Asmara goormeey kadhawaatay magaalada Jowhar ?

Madaxweyne sidii dalka laguu doortay ma’aadan booqan caasimadda Jowhar oo ugu horreeysay markii lagu doortay hadalkii caan baxay ee ahaa “Ar Farmaajo ii geeya ” waa laguu geyhaa” oo katurjumeysay dareenka shacabka maalintaas.

● Madaxweyne shacabkaagii mudnaa in aad dhax joogto oo aadka kuugu faraxsanaa doorashadii lagu doortay ma ree Asmaraa kamudnaaday utagistooda ?

● Madaxweyne goormaa 90Km oo Muqdisho ujirta Jowhar iyo 20Km oo Balcad kuujirta, kaaga dhawaatay kummanaan Km oo Asmara noo jirta ?

● Madaxweyne dalaggii beeraha udgoonaa iyo wabiyadii jiinka Jowhar goormaa laga door biday asmaradii go’doonsaneyd ?

● Madaxweyne shacabkaagii wabi shabelle adigoon shabaab kasaarin oo gunta uxiran xoreyntoodii Asmaradii xayirneyd safarkeeda maxaa naga anfaca ?

● Madaxweyne Banaabixii Muqdisho kadhacay isbuucyadii tagay waqtigaad u weyday Asmara sideed ugu heshay ?

● Madaxweyne waddada Jowhar nabad maaha yaayiri oo tan Asmaraa ka amaan roon maristeeda ?

#Halayga gaarsiiyo madaxweynaha intaan oo su’aalood sida ay jawaabtoodu tahay.

Hassan Abdulkhader Mudey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this