Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo la kulmay dhiggiisa Burkiina Faso

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulmey dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa   si wadajir ah u sheegeen inay ka qeyb geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Gudomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina Faso ALassane Bake sakande ayaa dhankiisa shegay in ka Dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi soomaaliya ka socda ay Dalkooda kusoo dhaweeyaan

Maanta ayaa la filayaa in wadanka ku yaalla galbedka afrika ee Purkina Faso caasimadiisa ouagadougou(Wagadhugu) uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee midowga Baarlamaanada Dowladaha islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

sadex afar labo Mursal

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this