Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Lacagta DF ku bixisay musharaxiinta doorashada ‘u camiraya’ QOOR-QOOR

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billawday qorshe cajiib ah oo ay ku suurta gelineyso doorashada Galmudug, islamarkaana ay dooneyso in ay ku qabato waqtigii ay ugu tala-galeen Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay 24-kii saac ee la soo dhaafay ilaa laba musharax, kuwaas oo lagu tilmaamay malxiisayaal maadaama ay diideen in ay is diiwaan geliyaan musharaxiintii kale ee tartanka Madaxweynaha.

Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in lacag dhan 60,000$ la siiyay Musharax Axmed Shire Falagle iyo Axmed Cabdullaahi Samatar oo xalay la diiwaan geliyay, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah lacagtaasi isku diiwaan geliyeen, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in loo balan qaaday lacago kale inta ay socoto doorashada iyo olalaheeda.

“Waxaa la sameeyay laba musharax oo doorashad au camira Qoor-Qoor, mid waa kii shalay isdiiwaan geliyay ee Falagle iyo mid kale oo xalay la sameeyay, waxayna markii ay is diiwaan geliyaan kadib shahaadada la siinayaa Musharax Qoor-Qoor” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaaka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online.

“Diiwaan gelintu lagama bilaabi karo Qoor-Qoor, kuwa kalane waa diideen si loo helo kuwa laga billaabo sidoo kalane tartanka u camira Qoor-Qoor ayaa lacagta laga shubay laba nin oo musharaxiin ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaankaan ka tirsan Galmudug ee la hadlay Caasimada Online.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay doorashada u qabato musharaxiintaan lacagta laga bixiyay ee is-diiwaan geliyay iyo Musharaxa ay wadato ee Qoor-Qoor.

Ifi-faalo wanaagsan kama soo muuqato Galmudug, waxaana laga cabsi qabaa in ay halkaasi ka dhacdo doorasho ka darin midi Baydhabo ka dhacay dhamaadka sanadkii 2018.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this