Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo jawaab ka bixisay hadalkii Goodax soona bandhigtay heshiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Puntland Pro. Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay hadalkii uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya aya Wareysi uu bixiyey maalin ka hor waxaa uu ku sheegay in Ardayda Puntland aan wax Shahaado ah la siin doonin ilaa iyo ay ka qeyb-galaan Imtixaanka ay qaadeyso Wasaaradiisa.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntaland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo tan Puntland ay heshiis ku yihiin geedi socodka iyo dib u dhiska hanaanka federaaliga ah ee Waxbarashada, iyada oo saldhig uu u yahay Dastuurka KM ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in labada Wasaaradod ay dhowr mar ku heshiiyeen in Puntland ay si madax bannaan u qaadeyso imtixaanka Ardayda deegaannada Maamulkaas,,dejinta iyo sixida Imtixaanka,isla markaana deeqaha waxbarasho lagu bixiyo heerka kaal sareynta,waxaana uu soo bandhigey Heshiisyo dhowr ah oo kale ah.

1 – In Puntland u madax bannaan tahay qaadista imtixaanka Ardeyda deegaannada Puntland.

2 – In wasaaradda Waxbarashada federaalka ay imtixaanka ku leedahay talo, kormeer iyo taageero dhaqaale.

3 – In Waaaradda Waxbarashada Puntland ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiso Imtixaankii ay qaadey.

4: In laga wada tashado sidii loo hormarin lahaa Imtixaanka guud ahaan Soomaaliya.

5 – In la isku waafaqo bixinta Shahaadada si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan cadeynta aqoontooda taas oo ay xaq u leeyihiin.

5: In shahaadada Ardayda deegaanada Puntland laga bixiyo Xafiiska Imtixaanadka wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo qodobo kale.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiir Goodax uu gebi ahaanba ka horjeedo, heshiisyadii dhanka Waxbarashada ee ay wada-galeen Puntland iyo Federaalka, ogaal la’aan iyo inkiraad mid ay ka tahayba.

Hoos ka arag heshiiska labada dhinac

Heshiiska-Wasaaradda-Waxbarashada-Puntla Heshiiska-Wasaaradda-Waxbarashada-Puntla Heshiiska-Wasaaradda-Waxbarashada-Puntla Heshiiska-Wasaaradda-Waxbarashada-Puntla Heshiiska-Wasaaradda-Waxbarashada-Puntla

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this