Sign in to follow this  
Deeq A.

“Wasiirradu Waa In Ay Iscasilaan….” Xisbiga WADDANI Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac ayaa ka jawaabay hadalladii wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Guduhu ku eedeeyeen suxufiyiinta iyo telefishannada Somaliland waxaanu ugu baaqay in ay wax cad bulshada la wadaagaan, haddii ay ku fashilmeena iscasilaan.

9.jpg

“Intii Somaliland xorta ahayd ma dhicin suxufiyiin iyo telefishanno Somaliland ah oo Soomaaliya ka mushahar qaata, waxay ku tusaysa fashilka dawladnimada ee Kulmiye wax shacbiga Somaliland aqbali karo maaha wax dhici karana maaha,” ayuu yidhi Guddoomiye xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI Md Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

“Wasiirradu waxay sheegayaan in Somaliland ama Hargeysa lagaga adkaaday oo ay fashil yihiin waa in ay iscasilaan,” ayuu yidhi Mudane Saleebaan Ducaale

“Waxaynu ognahay in dhallinyaro Facebook wax ku dhalliishay jeelasha ku jiraan maxay kuwa Soomaaliya mushaharka ka qaata jeelasha uga buuxi waayeen haddii aanu wasiirka laftiisu Qaran Dumis ahayn? Haddii ay run tahay oo aanu Qaranka duminayn muxuu wax uga qaban waayay. Saxaafadda SOLJA ayaa masuul ka ah marka SOLJA-na ma Soomaaliweyn baa?

“Dawladdu waa tii xogdoon leh ee cidda cadowga u shaqaynaysa iyada oo aan cidna ogayn wax ka qabata. Umaddu u dulqaadan mayso Soomaaliya ayaa saxaafadda Somaliland mushahar siisa way cadayn oo umadda ayay u soo bandhigi ama way caddayn waayi oo saxaafadda ayay xaalsiin umadda Somaliland-na way ka sugaysa, ururka SOLJA-na meel bay kaga dhaceen,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Saleebaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this