Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: NISA oo sii daysay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sii daysay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Jimcaale oo maalmo ka hor loo xiray tuhun Al-Shabaabnimo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Axmed Jimcaale iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa la xiray khamiistii, 23-ka Janaayo, 2020, ayada oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa caawa lasii daayey Axmed Jicmaale, ayada oo la sheegay inaan waxba loo haysan, laguna waayey wax xiriir ah inuu la leeyahay Al-Shabaab, sida ay ogaatay Caasimada Online.

NISA ayaa weli haysa guddoomiye Axmed Cabdullaahi Xasan, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay jiraan “tilmaamo aad u weyn” oo la xiriirinaya ururka Al-Shabaab, oo sida la sheegay magacaabistiisa ku qasbay rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Magacaabista Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa khamiistii 16-ka Janaayo 2020 shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah  oola isku mari waayey cidda noqoneysa guddoomiyaha ee rugta ganacsiga gobolka, ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa bilooyinka dambe aad u xoojisay ogaanshaha iyo soo xirista xubnaha ku dhex jira dowladda iyo shacabka ee la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab, ayada maalmo un ka hor  NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal laga soo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay canshuur ka qaaddo ganacsatada gobolka Banaadir, mana cadda xiriirka ka dhaxeeya canshuurtaas iyo magacabaista la tuhunsan yahay ee guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this