Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirrada oo ansixiyey heshiiska Soomaaliya iyo Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir aan caadi aheyn Muqdisho ku yeeshay ayaa ansixiyey oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya deynta ay Soomaaliya ku leeyihiin Hey’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hey’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay sida la sheegay ku qanceen dib u habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hey’adaheeda maaliyadda intii ay jirtay xukuumadan.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Arinta ayaa hadii ay suurta gasho, oo deymaha laga dhaafo Soomaaliya, waxay bog cusub u fureysaa dhaqaalaha dalka.

golaha-wasiirada.jpg wasiirada.jpg wasiirrada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this