Deeq A. Posted January 25, 2020 Muqdisho (SMN) – Wafdi Xildhibaano ah oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa ka ambabaxaya Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ee magaalada Muqdisho, Wafdiga Guddomiyaha uu hogaaminayo ayaa ka qeyb gali doono Shirka Sanadlaha ah ee Parliamentary Union of the OIC Members States (PUIC) oo berri ka furmaaya magaalada Ouagadougou oo ah caasimadda dalka Burkina Faso, galbeedka Afrika. Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC , oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan, ayaa sanadkii hore wuxuu kadhacay Casablanca oo ah Caasimadda Dalka Morocco. Shirkan oo ah mid lagu lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin ayaa waxaa qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran. View the full article Share this post Link to post Share on other sites