Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka  Beeraha Somaliland oo dalka Holland kaga qayb galay shir lagaga hadlay Horumarinta Wax soo saarka  Beeraha 

Recommended Posts

Deeq A.   

 

 Wasiirka  Beeraha Somaliland oo dalka Holland kaga qayb galay shir lagaga hadlay Horumarinta Wax soo saarka  Beeraha 

 

seed4-1-1024x640.jpg

Utrecht-(Qaran-news)-Wasiirka Wasaarada Hormarinta Beeraha Somaliland Mudane Ahmed Muumin Seed ayaa Ka qayb galay shir  Lagaga hadlayay Wax soo saarka Beeraha Kulankaas oo ka dhacay Wadanka Nederland (Holland).

seed5-1-1024x484.jpg

Ugu Horeyn Waxa hadalka furay wasiir Axmed Muumin Seed oo u mahad celiyey dadkii shirkaasi soo qaban qaabiyay,  isagoo dhanka kalena wasiirku halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo uu kaga waramay qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Somaliland ee dhinaca beeraha.  Waxa uu wasiirku sidoo kale ka codsaday xukuumada Nederland (Holland) inay Somaliland ka caawiyaan horumarinta beeraha iyo in la isweydaarsado aqoonta casriga ah ee  la xidhiidha beeraha.

seed1-1024x484.jpg

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxa kale oo uu  si guud uga waramay xaalada Somaliland iyo horumarka baaxada leh ee dalka ka socda.

seed6-1-1024x768.jpg

 Sidoo kale waxa isaguna shirka ka hadlay Mr.Harry van Bommel oo  ah xildhibaan hore oo u dhashay dalka Holland isla markaana u ololeeya qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland. Waxaanu sheegay mr.Harry Van Bomel inuu tagay Somaliland kuna soo arkay indhihiisa xaalada nabadgelyo iyo xasiloonida ka jirta iyo horumarka halkaasi ka socda. Wuxuuna ugu baaqay reer Somaliland inay xooga saaraan wax soo saarka beeraha

seed2-1-1024x484.jpg

Waxa iyaguna ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay xubno ka mida jaaliyada Somaliland ee dalka Holland.  Waxayna ugu baaqeen aqoonyahanka reer Somaliland ee dalkaasi ku nool inay aqoonta ay halkan ka barteen uga faa’iideeyaan dalkii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this