Jacaylbaro Posted July 28, 2008 Hordhac In badan waxa dareenkayga gudaha u xoqayey sida lisinku mindida u soofeeyo si la mid ah sidii loo daba qabatayn lahaa taariikhda ummadda oo aan mar kasta maankayga ka bixin in baylahdeedu badan tahay, halisna u tahay in wax badan oo ka mid ahi ay u tasoobaan dayac dartiis. Ummad aan taariikh sugan lahayni, waa ummad aan jiritaankeedu sugnayn. Buuggan oo haddaba ku saabsan Sooyaalkii Suugaaneed iyo Baal-taariikheedkii halyeygii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) waxa uu ka dhashay dareenkaas werwerku ku takhlan yahay. Taariikhda dadka ayaa sameeya. Ficilada iyo falaadyada aadmiga; maan iyo muruq ahaan; ayaana dhaqan-galka taariikheed geeddi geliya. Xaaji Aadan Af-qallooc oo kale waa ku “dhif iyo naadir” Soomaalida dhexdeeda, waxaana loogu horraysiin karaa foolaadka hal-doorkeenna taariikhda ummadda docdeeda ugu mudan ka kulaalaya. Xaaji Aadan Af-qallooc waxa uu ahaa nin aftahan ah, hiboole codkar ah, waddani Alle ka cabsi badan oo waaya arag ah, dal-mareen qurbaawi ah, meelna ku weeleeyey oo isugu keenay aqoon ka soo jeedda dhaqammo iyo ilbaxnimooyin kala geddisan. Gabayada Xaaji Aadan Axmed Xasan waxa ay noqdeen caroog iyo dawan cod dheer oo guubaabiya, kiciyana shucuurta iyo dareenka waddaniga ah ee dadka Soomaalida. Badheedhe cad oo diidmo ah ayuu kala hor tegey gumaysigii Ingiriiska ee Somaliland maamulayey. Arrintaas oo uu kala kulmay handadaad badan iyo xadhig marnaba kuma aanay keenin inuu joojiyo gayllankii iyo guubaabadii gabayadiisa ilaa laga gaadhey gobannimadii 1960. Ilaa geeridiisii (1986) waxa uu Xaajigu u taagnaa kaalinta hogatuska ee hagaagsanaanta, wax hagaajinta iyo is-hagaajinta. Indhahaysku aragtaan cadaawaha iskaga eegaIs aamina dannigu waa waxaad ku ibtilowdeeneIs aqbala qabiilnimada waad ku ambanaysaaneIs addeeca uurxumidu waa aayatiin li’iye Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaaneHaddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteeneItifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaaneAbtirsiinyo reer hebela’ iyo oday ku faan tuuraIndho fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene. Xaaji Aadan Af-qallooc waxa uu had iyo goor Soomaalida ugu baaqi jirey isku duubni, is-waansi, is-daawaysi, is-kaashi, isku kalsoonaan, tabcasho iyo wax qabsasho, waxaanu uga digi jirey kala tag, tafaraaruq, qabyaalad, eex, qaraabakiil, musuqmaasuq, meel iska kuudud, iska fadhi iyo wax taransi la’aan (ma shaqaystennimo). Qiimaha iyo tayada sarraysa ee Xaaji Aadan lahaa, hal-doornimadiisa, indheer-garadnimadiisa iyo qayuurinnimada hal-muceedka ah ee hal-abuurkiisa qiirada miidhan ah waxa lagala soo dhex bixi karaa gabayadiisa badan ee xilligii gobannimo-doonka iyo xilliyadii ka dambeeyey ee dawladihii sibilka ama rayadka ahaa iyo waayadii kacaannimada, gabayadaas oo intooda badan loogu tegi doono oboc weynta buuggan ee dhowaan dhaayihiinna hor iman doona. Saddex marxaladood oo xidhiidhsanaa oo dalka iyo dadkuba soo mareen ayay gabayada Xaaji Aadan Af-qallooc si sokeeyennimo ah u gorfaynayaan, waxanu Xaajigu ahaa hal-abuur si qotodheer ugu fiirsada oo dhug u yeesha dhacdooyinka ka ilmo roganaya halku uu ku nool yahay. Waxa uu ahaa goobjooge si wanaagsan u falanqeeya oo gabay ku faalleeya wixii maanta dhacayey ee uu arkayey, isaga oo ku lifaaqaya dhacdooyin ka horreeyey oo xidhiidh la wadaagaya tan uu maanta faaqidaaddeeda soo bandhigayo. Waxa uu awood u lahaa inuu si sahlan gabay ugu soo gudbiyo fikraddiisa ku saabsan muuqaalka kasta oo nolosha ka mid ah, isaga oo u il furnaa caalamka kale iyo waxa ka dhacayaa xidhiidhka ay dadkiisa iyo dalkiisa la leeyihiin iyo saamayntooda shar iyo khayrba. Saddexda marxaladoodba arriintaas si mug leh ayaad uga dhex dhadhaminaysaa gabayadiisa. Saddexdaas marxaladood waxa ay kala ahaayeen: b. Sannadihii 1940-naadkii iyo wixii ka horreeyey 1960. Waa xilliyadii uu socdey halgankii gobannimo-doonka ee gumeysiga lagu kicinayey. Xaajiga gabayadiisa iyo hadafkiisuba gobannimo u dirir aan gorgortan gelin buu ahaa. Dadka waxa uu hogatusaaleyn jirey qiimaha xornimada iyo waajibaadyada aan la gefi karin in loo maro xaqiijinteeda. Tusaale: Gobannimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’eWaa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaayeSarakaca kufrigu waa sasabo suu na leeyahaye.Gobannimo, 1943 Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galayeHaddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaayeWaa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaayeMar haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayeyDantay weeye inaan aammusaa eegga dabadeedeDulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.Dilkii Sheekh Bashiir, 1947 Gobannimada hawl yari ninna kuma helaayo’eRag horuumar doonana waayaa horjooga’eHaasaawe jiib iyo hurdo kuma timaaddo’eHabeen nimaan u guurayn hoo lama yidhaahdo’eGobannimo Halkay Taal, 1958 t. Marxaladda labaadna waxa ay ahayd sagaalkii sannadood ee gobanimada ka dambeeyey (1960 – 1969). Xilligaasi waxa waddanka taladiisa u kala dambeeyey dawlado taag daran oo rayad lagu tilmaami jirey. Waxanay caan ku ahaayeen ku dhaqanka qabyaaladda iyo caadaysiga musuqmaasuqa. Xumaan badan oo madaxdii dawladdu horseed ka ahayd, ayuu Xaaji Aadan marxaladdanna dadka u soo bandhigayaa. Murtida iyo aqoontiyo cilmigu malaha miisaaneHadduu sida muwaashiga ciyuu muudal yahay soocanNin adduunyo maantaa hayaa mawlihii noqoyeMugdi baynu soconnaa habeen meelaan nuur jirineSidii Binu Israa’iil mutaan marar sallownaayeIsku murugney aakhirana waa madhax xunoo yaalleMaxaan idinku maaweeliyaa miridhay laabtiiye.Marwo, 1962 Kuwa fuudka laaciyo intuu faajir talinaayoOo camalku kii Fiishar yahay faracna dheeraadayOo aanan filahayn inuu furuqu baan yeeshoJeeruu fadliga Eebbahay ferej inoo keenoOo shicibka reer hebel fasaqay foodhibahalleeyoOo ay fariiddo u kacaan fidhadan ceebawdeyFaallada wixii dhacay inaan fidiyo waa caareWaxba yaan ku foofine arrini hay fadhido caawa.Facaan Ahay, 1962 Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habowe Tuug daalliniyo caasi baad tamar u yeeshaane Tembi baad u dhiibteen nimaan tuna ka sheegayne Toorrey af badan baw xidheen taarig xoogsadayeTabaalaha Wakhtiga, 1966 Akhlaaqdii xumaatoo xishood laga awaareeyeIimaanku laabtuu jiraye aragahaw u guuryeKun jeerood ixsaan fari ma jiro axad maqlaayaaye Waxay dheguhu aad ugu furmaan ereyga ceebeede Ina Cigaal, 1967 . j. Marxaladda saddexaadna waxa ay ku beegmaysaa xilligii kacaannimada ee askartu ay dalka maamulayeen. Sidii dadka Soomaalida intooda ugu badani u taageereen inqilaabkii ciidamadu hormuudka ka ahaayeen, ayuu Xaaji Aadan Af-qalloocna u soo dhoweeyey is-beddelkaas. Arday kama hadhoo macallinkuu daba ordaayaayeMas’uuliyaddu waa adagtahoo waa ammuur culuseArdal iyo nimaan qaadi karin looma aammino’eNin naftiisa amarkeed gabaa ma abyo khayrkeedeAqalkeeda LeegadaOktoobar 1969 Waxaan ahay qabiilkii akhiray Reer Afriiqiya’eDabkaan ololiyaa lagu gubtaa meel haddaan imiye Iimaan la’aantiyo dhibtaan abid jeclaadaaye Awood waxaan u leeyahay khilaaf inan abuuraaye Isku diridda iyo baan aqaan laydinka adkaayeQabyaaladdii oo Hadlaysa, 1971 Muddo boqol gu’yaa dhaqankaygu nagu magoognaayeMaantuu bilow yahay codkeennu oo laysku maamulo’eKa macaan maggaabada listiyo malabka DaaloodeMaskaxdii jirroon dayaxu waw madow yahayInyar oo qalbiga maal ku leh baa ka murugooneWaa mahadho taariikhi ah iyo madhax la tuugaayeKu mintida afkii hooyo waa lagama maarmaane.Afka Hooyo, 1972 Inkastaad haleelada adduun jaad kastaba haysoWaa hoodo yay kaala dhicin jar iyo haadaaneHodankii ahaa shalayto baan maanta qado hayneHoos labadii gelin weeye oo hawli dheer tahayeDhaaxay habaas kaga tagtaa nimay heshiiyeeneNin Hawoodey, 1978 Saddexdaas marxaladood ee aynu wax ka soo xusnay gabay kastaa waxa uu muraayad u yahay oo laga dhex halacsanayaa waayihii iyo duruufihii jirey ee dalka iyo dadku ku sugnaayeen. Gabayada Af-qallooc marka aad la kulanto waxa aad dareemaysaa in ay lafta iyo dhuuxa ka nool yihiin oo ku dherersamayaan waayahan haddeerto la joogo. Waxa aad is moodsiinaysaa inuu haddeerto gabayada tirinayo, kana hadlayo nolosha maanta iyo daruufaha jira Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba guud ahaan. Buuggani waxa uu haddaba si mug iyo miisaan leh isu dul taagayaa saddexdaas marxaladood iyo gabayadii ka dhashay ee Xaajiga Aadan Af-qallooc, waxaanu dhinaca kale soo bandhigayaa taariikh nololeedkii Xaajiga, barbaaritaankiisii, hanaqaadkiisii iyo inta jeer ee Alle saymo iyo sursuur oodan ka samata-bixiyey, noloshiisii qurbaha iyo inta uu badweyn iyo xuduudo u kala gooshay iyo halgankiisii gobannimo-doonka ahaa dibadda iyo markii dambe ee waddanka uu ku soo laabtayba. Waa taariikh hodan ah oo dhawr jiil iyo dhaqammo kala duwan aqoontood iyo waaya-aragnimadood minjaheedu ka soo jeedaan oo madaxa ku haysa. In ku dhow lixdan gabay, mid la soo wada helay iyo mid tuducyo laga hayaba, ayuu buuggu weelaynayaa. Waa suugaan la yaab leh oo aan ku ekayn xilligaas uu Xaajigu tirinayey duuruufihii jirey. Waxa ay la jaanqaadaysa wacaasha iyo waayaha bulsheed ee Soomaalida maanta, waana muraayad dib looga daawan karo tagtadeennii shalayto, laguna qiimayn karo joogtadeenna maanta, lagana sii hilaadin karo timaaddadeenna berrito soo foolka leh. Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan mohamedbashe@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites