Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo iska dhiibay Muqdisho iyo xog ku saabsan waxa uu qaban jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shalay Barqadii sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu iska dhiibay degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in sarkaalaan uu u tagay ciidamo boolis ah oo saldhig ku leh agagaarka Xabsiga dhexe, kadibna uu u sheegay inuu yahay Al-Shabaab baxsad ah.

Ninka is dhiibay ayaa ciidamadu u sheegay in uu ka tirsan qaybta Zakawaadka ee Al-Shabaab, islamarkaana uu qaabilsanaa ganacsiga magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu mar kamid noqday kooxda Al-Shabaab u qaabilsan in ganacsatada Muqdisho canshuurta laga soo aruuriyo.

Ciidanka uu isu dhiibay Sarkaalkaan Shabaabka ah ayaa ku wareejiyay Maxamed Xaashi oo ah sarkaal ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliya, gaar ahaan Xabsiga dhexe, waxayna wararku sheegayaan in lagu wareejiyay Booliska Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in ninkaan uu u yimid isagoo dalbanaya in la badbaadiyo, dadkana laga badbaadiyo kadib markii uu sheegay in la soo diray howlgal laga fulin doono Muqdisho.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin buuxda ka bixiyeen sarkaalka isu dhiibay, hasa yeeshee waxey wararku sheegayaan in uu ahaa qof ay dowladu doon dooneysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this