Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo maanta ansixisay laba heshiis iyo sharci

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiislaha ahaa ee maanta ku meel mariyey dib u eegis lagu sameeyay sharciga la-dagaallanka Burcad-badeeda iyo ka hor tagga Afduubka.

Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyey laba heshiis oo kala ah, heshiiska dalalka Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiiska is dhaafsiga xarumaha Diblamaasiyadeed, kaas oo horay u dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Ugu horeyntii golaha ayaa kulankooda ku ansixiyey Sharciga la-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hor tagga Afduubka ee lambarkiisu yahay (Lr 36), kaas oo soo baxay 30-kii Abriil 1975-kii.

Muhiimadda sharcigan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimada, afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas.

sidoo kale sharcigan ayaa xadeynaya dembiyada ka dhaca biyaha iyo hawada Soomaaliya ee loo geysto diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulanka shir guddoomiyay, waxaa sidoo kale la hor keenay golaha, isla markaana ay meel mariyeen heshiis laba geesoodka ah oo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka gaareen dhanka duullimaadyada iyo heshiiska is dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed, kaas oo horay u dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this