Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: NISA oo Shabaabnimo u xirtay guddoomiyaha iyo ku-xigeenka rugta ganacsiga Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hadda nasoo gaartay ayaa sheegeysa in Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay galabta xirtay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, oo lagu tuhmayo in ay yihiin Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in baaritaan iyo dabagal ay hay’adda sameysay kadib la xiray guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in labada qof ee ay NISA xirtay la ogaaday inaysan wax shaqo ah ku lahayn ganacsi, oo aysan ahayn ganacsato, balse ay ahaayeen xubno Al-Shabaab ah, oo Shabaab ay soo magacaabeen, sida ay NISA rumeysan tahay.

Xogta aan ka helnay ilo-wareedyada sirdoonka, ayaa sidoo kale sheegeysa in guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariim Gabeyre lagu qasbay magacaabista xubnahan kadib markii dil loogu hanjabay.

Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal lasoo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab.

Wixii faah-fahain ah naga filo dhowaan Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this