Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay dib u-eegista Sharciga La’dagaallanka Burcad-badeedda

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirada-Soomaaliya.jpeg?w=1000&ssl=1

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.

Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay dib u-eegista Sharciga La’dagaallanka Burcad-badeedda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this