Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab caawa bur-buriyey qeybo ka tirsan dhismaha xarunta dembi baarista booliska Soomaliya ee CID-da

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dab xoog leh ayaa caawa qabsaday qeyb ka mid ah dhismaha xarunta hey’adda dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da.

Dabkan oo aan weli la garan sababta uu ku yimid ayaa gabi ahaanba burburiyey qeybta sawirada looga qaado dadka loogu adeego xaruntaas iyo maqaaxi ku dhex taalay dhismaha xarunta.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan xarunta dembi baarista booliska Soomaaliyeed ee CID, waxaa gabi ahaanba bas beelay labadii dhisme ee  Photada iyo maqaaxidii ku dhex yaalay xarunta, kadib markii la waayey meel loo marsiiyo gaadiidka deb-damiska .

Waxaa caawa xiran wadada hor marta xarunta CID-da, wixii ka dambeeyey markii uu bilaawday dabkaas qabsaday qeybo ka tirsan dhismaha xarunta.

Gaadiidka isticmaaliya wadada hal bowlaha ah ee Maka Al-mukarama ayaa loo diidayaa inay maraan wadada hor marta xarunta CID-da, iyadoo laga lee xinayo KM4, waxaana aagga xarunta la dhigay ciidamo badan oo boolis ah.

Dad ka agdhaw goobta ay ku taallo xarunta dembi barista booliska ee CID-da ayaa Caasimada Online u sheegay in uu weli gudaha xarunta ka baxayo dab xoog leh, isla markaana ay demintiisa ku howlanyihiin gaadiidka deb-damiska ee maamulka gobolka Banaadir.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo ay hoos tagto xaruntan ayaan weli ka hadlin arintan, waxaana jira shaki badan oo durba laga muujinayo waxa sababay dabkaas.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this