Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo dalab culus u gudbiyey xubnaha guddiga QM cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan galabta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warka Madaxweyne Farmaajo ayaa guddigan la wadaagay warbixin ku saabsan deegaanada dowladdu ay ka xoreysay Alshabaab, kuwa ay heystaan, qorshaha dib u habeynta ciidamada xoogga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirnimada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa guddigan kala hadlay inay dib u eegis ku sameeyaan cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya, iyadoo lagu jaangoynayo taageerada ay u baahanyihiin ciidamada Soomaaliya, sibaa la yiri loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee ka socda dalka.

Halkan Hoose ka aqriso warka ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

DHAMMAAD

0cc1cbd4-14bc-4554-b267-81e5cdb58d99.jpg guddiga-cunaqabateynta-hubka-Soomaaliya. Swan.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this