Deeq A. Posted January 22, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Hargeysa Yarey 12 KM u jira degmada Jilib. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubno ka tiranaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin tirada la dilay. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites