Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ka soo baxaysa duqeymo xooggan oo xalay lala beegsaday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah laga helayaa, duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay degaanno ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Degaanada duqeymaha lala beegsaday waxaa kamid ah Saakow, Hargeysa-yarey, iyo degaano u dhexeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday, tuulada lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana  la sheegay in halkaas lagu burburiyey xarun Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka degaankaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan, in duqeynta ay ku dhinteen saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo degaanka ku sugnaa.

Sidoo kale, degmada Saakow waxa la soo weriyay in duqeyn lala beegsaday xarun kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xeradaas ayaa waxaa ugu keydsanaa hub badan, kaas oo duqeynta lagu burburiyey.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin ka soo baxaysa duqeymo xooggan oo xalay lala beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this