Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo soo bandhigtay Fanaan ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ee Internetka ku baahiyey Muuqaal kooban, kaasi oo uu ka soo dhex muuqday Abshir Garane Axmed oo ah Fanaan ka tirsan waaxda Fanka ee maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna qirtay inuu sidoo kale  ka mid yahay Al-Shabaab.

Garane ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab uu ku biiray 2013-kii, islamarkaana uu u qaabilsanaa xuuraanka iyo maaliyada, sida uu ku sheegay Muuqaalka laga soo doobay oo sikimo soconayey, kaas oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.

Sidoo kale taliska nabad sugida ayaa sheegay in Fanaanka muddo lagu hayey dabagal, islamarkaana haatan gacanta lagu soo dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojisay baaritaanada ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood lagu soo qabtay xubno ka tiranaa Xarakada Al-Shabaab oo ku sugnaa qaar ka mid ah degmooyinka G/ Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this