Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Bandow soconaya 20 cisho oo lagu soo rogay waddo ku taalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Laga bilaabo shalay waxaa bandow lagu soo rogay waddo muhiim ah oo soo gasha madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna amarkaan ka soo baxay taliska Villa Somalia.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in shalay lagu wargeliyay maqaayadaha Dalsan iyo Blue Sky, in aysan banaanka soo dhigi karin kuraas wixii ka dambeeya afarata galabnimo (4:00 pm).

Bandowgaan ayaa saaran kaliya wadada madaxtooyada ka soo gasha dhanka Xaawo Taako, waxaana la sheegay in uu amarkaan socon doono ilaa 10-ka bisha 2-aad ee sanadkaan.

Sidoo kale waxaa la joojiyay isticmaalka gaadiidka ee wadadaasi iyo socodka dadweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka iyo qaar ka mid ah dadkii caawa laga celiyay aagaasi.

Dhowr qof ayaa caawa laga hor-istaagay in ay ka soo gudbaan waddada Xaawo Taako, oo ah halka uu bandogu saaran yahay, waxaana xiran ilaa madaxtooyada.

Lama oga sababta ka dambeysa go’aankaan, balse xog aan helnay ayaa sheegeysa in qorshuhu yahay in la daah-furo Tiyaatarka qaranka markii la gaaro 8-da bisha labaad ee sanadkaan, markaas oo ku beegan saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashada madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in qarax ismiidaamin ah ay ku qaadaan Tiyaartarka qaranka iyo dhismaha Maktabadda oo laabdooduba lagu sameeyay dayactir muddo dheer kadib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this