Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye hore oo caawa lagu dilay BOOSAASO

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa caawa lagu dilay guddoomiyihii hore degmada Qandala ee Puntland Jaamac Maxamed Khuurshe.

Dilka marxuumka ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysan bastoolado, xilli uu ka soo baxay Hotel ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana dilka kadib durba goobta iskaga baxsaday dableydii geysatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa gaaray goobta lagu dilay guddoomiyaha, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano lagu baacsanayo raggii geystay dilka, welina lama sheegin cid loo soo qabtay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

Ciidamada ayaa aruurinaya dhalinyarada magaalada ee ku sugan aagga lagu dilay marxuumka, waxayna gudaha u galayaan guryaha qaar, iyagoo banaanka uga soo saaraya dhalinyarada kadibna hal goob iskugu geynaya.

Allaha u naxariistee guddoomiyaha caawa la dilay ayaa golihii deegaanka ee ugu horeeyey Qandala waxay guddoomiyaha degmadaas u doorteen 18-kii bishii Janaayo sanadkii 2012-kii, isagoo xilkaas hayey tan iyo 30-kii May sanadkii 2018-kii oo xilkaas laga qaaday.

Xalay ayey aheyd markii ciidanka booliska Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso ay guri ku yaalla magaalada ka soo saareen waxyaabaha qarax oo lagu qarinayey.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa xumaaday waayihii dambe, waxaana dilay qorsheysan ka geysta gudaha magaalada kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this