Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir oo DF ku eedeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo qoraal soo saaray ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug.

Waraaqda kasoo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay inay Dowladda Soomaaliya afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan odayaasha Dhaqanka sidoo kalana ay afduubatay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan qeyb ka aheyn boobka ay wado Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxdo doorashadaas.

Dowladda Soomaaliya ayuu uga digay inay Maamulka Galmudug gelisay dib u dhac iyo qalalaaso cusub.

Ugu dambeyn Madaxda Xukuumadda Galmududug ayaa ugu baaqay danleyda siyaasadeed ee maamulkaas inay isugu imaadaan kulan looga tashanayo aayaha Galmudug laguna dhisayo maamul loo dhan yahay.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir

82783742_2530656710484128_25617973804458

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this