Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo weli ka taagan degmada Shangaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay weli isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah degmada Shangaani ee G/Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana ciidamo ay isku hayaan goobo la doonayo in laga raro dad rayid ah.

Lada dhinac ayaa shalay dagaal xoogan waxa uu ku dhexmaray dhabarka dambe ee safaaraddii hore ee Itoobiya oo ku yaallo dhulka la’isku heysto.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay codsanayaa in la soo kala dhex galo ciidamadaasi, si loo baajiyo dagaal markale ka dhaca halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this