Deeq A. Posted January 20, 2020 Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ay dhawanahan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen. Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma. Taliyaha ayaa intaasi kudaray in howlgalka inat uu socday ay 9 mino soo saareen ciidanka isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites