Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoonka Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta shaaciyay guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaasi, kadib kulan Baarlamanka Galmudug ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb.

Guddoonka ayaa kadib markii uu soo jeedinno kala duwan ka dhegaystay xildhibaannada Baarlamanka, waxaa uu shaaciyay xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo lagu saleeyay nidaamka awood-qeybsiga maamulkaasi Galmudug.

Xubnaha guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug ee maanta la shaaciyay, oo ka kooban 13 xubnood, ayaa la faray in ay si deg deg ah oo waafaqsan Dastuurka Galmudug ay uga soo baxaan waajibaadka loo xil saaray ee doorashada.

Guddiga ayaa sida qorshaysan dhowaan iska dhex dooran doona guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xog-haye cusub, waxaana la filayaa in markaasi kadib ay shaaciyaan jadwalka doorashada madaxtinimada Galmudug.

Warqada.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this