Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta dowladda hoose ee Beledweyne oo la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in maanta amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan albaabada la’isugu laabay xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi.

Cali Muxumed Caraale ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka uu ku amray inay gabi ahaan joojiyaan shaqada xaruntaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii xaruntaan lagu eedeeyey arrimo la xariira musuq-maasuq oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ka cabanayeen dadka shacabka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this