Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Cusub Oo Kasoo Goostay Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Xukuumadda Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo bandhigay Ciidamo badan oo ay sheegtay inay ka goosteen maamul Gobolleedka Puntland, kuwaasi oo ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

20200119_123719.jpg

Ciidamadan oo tirro ahaan lagu sheegay 30 Askari ayaa waxaa la socday Saraakiil, waxaana lagu soo bandhigay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyagoona Puntland u joogay Degmada Boocame ee Gobolkaas.

Sidoo kale Ciidamadan kasoo goostay Puntland ee ku biiray Soomaliland ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Sool iyo kan degmada, isla markaana waxaa lagu wareejiyay Taliyaha qeybta Booliska Sool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this