Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilma Yar Oo Oxygen La’aan Ugu Geeriyooday Cisbitaalka Weyn Ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa saacadihii U Danbeeyay Loo Jeedinayay Dhaleecayn Ka dib markii ay dhimatay Gabadh Yar oo Loo Waayay Haanta Naqaska.

Qoraal ay barteeda Facebook Ku Baahisay Khadra Halgan oo Goog u ahayd Dhacdadan ayaa Tidhi ”

😭

Isbitaalka guud ee Hargaysa hadii aanay oxygen oolin miyaa la iska xidho maxaa dadka loogu lu’goynayaa. Maanta duhurkii ayaannu ilmo yar oo laba sano jirta oo walaalkay dhalay aannu gaynay ma aaminaysaa ilmahaa yar oxygen baannu uga waynay cusbitaalka wayn oo waxa ay yidhaahdeen 4xabo ayaa yaala oo la idinma siinayee magaalada ka doonta. Markii dambe haantii oo madhan ayay $100 oo damaanad ah naga dhigeen Intii aannu ku maqnayn oxygentii kale ee aannu buurta kalajeexan ka doonay ayay inantii yarayd naftu kasii baxday

Inkastoo aan la oollin karin naf baxaysa hadana cusbitaalka guud ee caasimadda dayac baa yaala.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this