Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Al-Shabaab ah oo la sheegay inay gudaha u soo galeen Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaal-yahano la rumeysan inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa la soo sheegaya in ay gudaha u soo galeen Magaalada Dhuusamareeb, xilli magaalaadaasi uu ka jiro mashquul xoogan oo arrimaha doorashada la xiriira.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay soo gaartay xog ku aadan in mintidiin ka tirsan Al Shabaab ay u soo duseen magaaladaasi, xilli ay ka yimaadeen dhinaca Magaalada Ceelbuur.

Saraakiisha ayaa waxaa loo sheegay inay laba laabaan hawlgalada amniga lagu suggo ee laga sameeyo Magaalada Dhuusamareeb, si looga hortaggo khatar amni oo ka imaan karta maleeshiyada Shabaabka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in Saraakiisha amniga la faray inay si dhow uga war qaataan, oo markastana ay ku dhaqaaqaan farriimaha ay u soo gudbiyaan ciidanka dharcadka ee billihii ugu dambeysay, ay dowladdu ka hirgelisay magaalada.

Sidoo kale taloooyinka kale ee loo jeediyay Saraakiishan ayaa waxaa ka mida, iyadoo aan la qalqal-gelinaynin dadka deegaanka iyo martida la joogtaba, ay sidoodii u sii socdaan roondada joogtada ah, ee ay ciidamadu ka sameeyan gudaha magaalada.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inaanan xilligan laga baqdin qabin in qarax gaari ay Shabaabku ka gaystaan Magaalada Dhuusamareeb, balse ay suurta-gal tahay inay magaalada ka gaysan karaan qaraxyada ay fuliyan ismiidaamiye-yaasha xiran suunka/jaakadda ka samaysan walxaha qarxa, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo dilal qorsheysan.

Ciidamada Dowladda ayaa duleedyada Magaalada Dhuusamareeb baaritaano adag ku marsiiya gaadiidka soo gala magaalada, si loo hubiyo inaanay halis ku ahayn amniga magaalada iyo dadka ku dhaqanba.

Daba-yaaqadii bishii December ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay qarax miino, kaasoo si dhow loola xiriiriyay kooxaha nabadiidka, wixii xilligaa ka dambeeyayna ma jirin cid loo soo qabtay qaraxaasi.

Tan iyo bishii November ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku qulqulayay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan, ganacsato, odayaal, waxgarad iyo qurbajoog, kuwaa oo qayb ka ah ololaha doorashada Galmudug, ee markii horeysay ay martida-gelinayso Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this