Deeq A. Posted January 17, 2020 Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxaa maanta oo jamce ah ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug. Doorashada waxaa ku tartamay labo xildhibaan oo kala ah Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cismaan, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug ku guuleystay Maxamed Nuur Gacal. Maxamed Nuur Gacal Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqat in Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 cod, 1 cod ayaa xumaaday, waxaana codeeyey 89-ka xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Dhanka kale Cabdullaahi Xirsi Maxamed (Xagey) ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug, kadib markii uu helay 59 cod. Taariikh nololeedka Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal Maxamed Nuur Gacal waxa uu degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhashay 1966, wuxuuna 1987 ka baxay dugsiga sare ee Muqdisho. 1988-kii ayuu ka qaatay diploma heer dhexe mac-hadka maamulka iyo maareynta Jaamacadda Carabta ee Muqdisho. 1995 ayuu shahaadada 1-aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Umu Durman ee dalka Sudan 1999-kii ayuu ka qaatay Diploma sare, Mac-hadka maareynta masiibooyinka ee Jaamacadda Caalamiga ee Afrika. 2000 ayuu diploma sare ee qaanuunka guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn ee Sudan 2001 ayuu shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee Afrika 2008 ayuu shahaadada 3-aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Umu Durman ee dalka Sudan. 2013-2014 wuxuu ahaa Wasiiru dowlihii arrimaha dibadda Soomaaliya 2014-2016 wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 2019 wuxuu ahaa xubin kamid ah guddiga dib u heshiisiinta DGGM. Ugu dambeyna maanta ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Yaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites